Messi oo xaqiijiyay in uu lasii joogi doono naadigiisa Barcelona

Ciyaaryahanka caanka ah ee kooxda Barcelona Lionel MessiĀ ayaa maanta xaqiijiyay in uu lasii joogi doono kooxdiisa Barcelona ilaa xilli ciyaareedka sannadka dambe.
25-ka bishii hore ee Agosto ayuu ciyaaryahankan xaqiijiyay in uu doonayo in uu ka tago kooxdaasi, kadib tuhun badan oo warkaasi ku gaddaamanaa.
” – Waxaan lasii joogayaa kooxdeyda, sababtoo ah waxa uu madaxweynaha ii sheegay in haddii aan doonayo in aan kooxda ka tago aan dib u celiyo lacag dhan 700 milyan oo euro taas oo aan macquul aheyn”, ayuu ku yiri Messi wareysi uu siiyay wargeyska Goal.
Mase ayaa intaa raaciyay in wadada kale ee u furneyd ay aheyd in uu maxkamad la tiigsado kooxda, taas oo uu sidoo kale sheegay in eysan kooxdiisa uu jecel yahay ka mudneyn.
Waxa uu sheegay in uu iminka doonayo in uu kooxda ka tago sannadka dambe isga oo lagu wada-qanacsan yahay tegitaankiisa.