UK: Booliska Birmingham oo nin madow ah u baafinaya dhacdadii mindiyeynta ee magaaladaasi

Booliska magaalada Birmingham ee dalkaasi Ingriiska ayaa soo bandhigay muuqaalka nin madow ah kaas oo ay u baafinayaan dhacdadii habeen hore ka dhacday magaalasaafi ee dadka badan lagu mindiyeeyay.
Hal qof ayaa ku dhintay falkaasi, todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen, walow labo ka mid ah dhaawacyadaasi ay xaaladdoodu liidato, sida uu xaqiijiyay booliska.
Wali ma cadda waxa ninkani ku khasbay in uu dadka mindiyeeyo, waxaana la sheegay in dadka uu dhaawacay uu badankood u tagay mindidana la dhacay isaga oo aan la hadlin.
Booliska ayaa iminka baadi-goob baahsan ugu jira gacan-ku-dhiiglaha kaas oo lagu sheegay nin madow ah oo jira da`da u dhaxeysa 20-25 sano jir.
Akhriso sidoo kale...
COVID-19: Dalka Talyaaniga oo qaati laga taagan yahay xirashada maaskada iyo dibedbaxyo looga soo ho...
Ra`iisul wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi oo isbitaal la dhigay
US: Booliskii ku lugta lahaa dhimashada ninkii qaawanaa ee madowga ahaa oo shaqada laga eryay
BIDEN: " - Donald Trump uma qalmo madaxweyne, haddii uu waxaas ku hadlay"